Dhabar xanuunka ma ahan jirro ama xanuun ee waa astaan ay yeelan karaan xannuuno badan oo kala gadisan. Caadi ahaan dhabar xanuunku wuxuu tilmaamayaa dhibaato ka jirta seedaha, muruqaha, dareemaysha iyo lafaha saameeya laf dhabarka, sidoo kale waxay caalaamad u tahay mararka qaar xanuun ku dhaca xubnaha sida kilyaha ama sambabaha iyo xubnaha u dhowba.